SSOG
← Dhammaan Casharrada

Casharka 1: Hordhaca Xukuumad

DUGSIGA MAARAYNTA IYO MAAMULKA DAWLADEED EE SOMALIYA

Qaybta 1: Barashada xirfadaha is-xukunka

Hammiga is-xukunka soomaalida waxa uu ka soo jeedaa baahida loo qabo kala-dambayn iyo horumar.

Is-xukunka soomaalida haddii dib loo raaco taariikha waxaa uu ku qotamaa caaqilnimo qabiil oo ay hoggaaminayso afkaar diini ah. Somaliya waxaa kale oo ay dhaxashay waaya-aragnomo qaababkii isticmaarka u maaraynjiray xukunka dawladeed, qaybahooda ugu roonaa.

Ahaanso mid ah

Diinta islaamka, iyo luqadaheeda u gaarka ah, waxa ay siiyeen Somalia ahaansho afrikaaneed oo iyada u gaar ah. Ganacsiga qarniyo ka jiray daraadiis, waxa suurogal u ahaatay Somaliya in ay laqabsato, hadba sida ay ugu baahantahay, caadooyin iyo habab goáan qaadasho oo kala duwan.

Somaliya si ay dib ugu soo dhisato dawladnimadeeda, xukuumadihii ku-meelgaarka ahaa, waxbay ka soo qaateen waaya-aragnimo hab-dawladeedyo najaxay oo adduunka iyo gobolka Somaliya ku taallaba ka shaqeeya.

Qaab-dawladeedka Somaliya wuxuu haatan helayaa habraac uu kaga faaidaysanayo guulihii iyo qaladaadkii la soo gudboonaaday xukuumadaheedii ku-meel-gaarka ahaa iyo kuwa kaleetaba.

Dimuqaraatiyadaha baarlamaaniga ah waxay taabbagaliyaan degganaansho siyaasadeed iyo horumar

Boqol iyo labaatan iyo shan ka mid ah 196da waddan ee dunida waa deemoqaraaddiyo (hab xukun-dawladeed oo goàannada ay sameeyaan muwáaddiniinta intooda badan). Hab xukun-dawladeedyadaas waxay wadaagaan doorasho iyo golayaal baarlamaanno qaran oo ka koobnaan kara hal ama laba gole.

Markii ugu horraysay taariikhda, haatan dadyow badan oo adduunka waxay ku dhex-noolyihiin dawlado deemoqaraati ah. Isbeddelkan saameeyay dunida wuxuu yimid, intiisa badan, 100kii sano ee u dambeeyay. Taariikhda markii ay ahayd 1900, dunida in ka yar 10 waddan ayaa deemoqaraati ahaa.

Saamaynta dhacdooyinkii hore

Nidaamkii dawladeed ee jiray waagii Janaraal Maaxamed Siyaad Barre laga ridayay xukunka wuxuu ahaa mid aragti qasab ah ee kala-dambayn iyo horumar ku maamulayay dalka. Kacaankii militari wuxuu kala diray golihi Baarlamaan ka dib kolkii la dilay Ra'isal Wasaarihii 1969kii. Haseyeeshee, ka dib 21 sannadood oo xukun kor-ka-imaad ah (top-down rule) iyo diktaatooriyad, wuxuu ka tagay dal dagaallo ay silciyeen kuna sii foorara burbur dhaqaale.

Waxaa dalka soo maray is-bahaysiyo qabaail, isku-dhac qabaail iyo dagaallo. Hababkii is-xukun ee ka dambeeyay oo la laga filaayay in ay ka miro-dhaliyaan midnimo iyo nabad – oo lagama maarmaan u ah waxbarashada iyo barbaarinta, horukac caafimaad iyo adeegsi teknooloojiyo nacfi leh – waxay aalaaba la yimaadeen guuldarrooyin.

Awoodda xukuumadaha waxay noqotay xad-dhaaf

Laga soo billaabo ka madaxbannaanidii gumeysiga ee 1960dii, hab-isxukunka qaybo badan ee Afrika waxay ahaadeen muuqaalka wejiyadii ugu xumaa ee xad-dhaafka 'Caloola-Weynta'.

Kuwa wax xukumijray la-tashi la'aan goleyaal wax-matalaa, amaba aanan u dhega-nuglaan golayaasha, waxay noqdeen laaluush-cunayaal aan laga dhaqaajinkarin xukunka. Waxaa gadaal ka joogay oo ay ku tiirsanaayeen, aalaaba, awood military, waana ka marnaayeen ka-xishoodka amar-ku-taaklaynta. Militarigu waxay soo fara-gelinayeen siyaasadda. Intooda badan waxaa lga maalgelinayay dibadda. Awoodda militari waxay u saamaxaysay in uu dheeraado waqtiga uu xukunka gacanta ugu jiro, marka loo eego kuwii iyaga ka horreeyay oo dadweynaha dayacayay.

Is-xukun, Aqooni waa Awood

Waaya-aragnimada 25kii sano ee u dambeeyay waxay xaqiijinaysaa mahmaahda soomaaliyeed: aqoon la'aani waa iftiin la'aan. Tixanahan ujeeddadiisu waa in uu faafiyo ama war-gelin ka bixiyo qaab-dawladeedyada kala duwani sida ay u shaqeeyaan, sida ay u kobceen iyo sida ay ugu adeegaan dadyowga ay matalaan. Waa tusmeeyaha garashada hab-socodka go'aan qaadashada wanaagsan ee ka mira-dhaliso nabad iyo midnimo.

Tusmeeyahan wuxuu u habaysanyahay toban cashar ama xog-siin. Wuxuu soo bandhigayaa hab-dawladeedyo (xukuumado) kala duwan oo uu isla markaana isu barbarrdhigayo qaabkooda iyo qaayahooda. Casharrada waxay ku saabsanyihiin mowduucyo ujeedkoodu yahay wargelin hoggaamiyaal, adeegayaal dawladeed iyo dhammaan muwaadiniinta oo lagu wargelinayo hab-wanaagga dawladeed iyo halka uu ka yimi.

Sida qayb looga qaybgalo xukunka

Habsami u shaqaynta xukuumadi waa in laga dheehdaa qaabka caddaaladda u shaqayso, helitaanka caddaaladda iyo ku-qanaceeda. Miisaanka casriga ahina, wuxuuba ku kordhiyaa oo uu hoosta ka xarriiqaa karaanka caddaladda iyo dheellitirkeeda. Isu-barbardhigidda xukuumad iyo xukuumado kale oo ka jira gobolka ama dunida inteeda kale, siiba kuwa shabbaha xukuumadda aan ka hadlayno guulana soo hooyay, waxay ka caawisaa hoggaamiyeyaasha iyo muwaadiniintaba in ay sida ugu roon u ogsoonaadaan waxyaalaha la aqbali-karo iyo kuwa aan la aqbali-karin.

Si uu suuro-gal ugu ahaado isbarbardhiggan – si buuxdana ay uga qaybqaataan – muwaadiniinta waa in ay wax ka ogaadaan luuqda loo isticmaalo arrimaha la xiriira xukuumadaha.

Muhiimadda taariikhda

Caqliyadda ugu horraysaa waa in taariikhdu muhiim tahay, iyo in qofki aan aqoon tagtada, halis ugu jiro in uu ku soo fal-celiyo. Sidaa darted, qodobka Horumarka Baarlamaannada wuxuu u kuur-galayaa taariikhda baarlamaannada oo ah golayaasha doodaha iyo go'aan qaadashada.

Waxaa kale oo uu qodobka dulmarayaa asalka golayaasha, hababka dawladnimadoodu ay ku salaysantahay: madaxweyne/ama ra'isal-wasaare.

Noloshu waa siyaasad

Sida qofkii ugu horreeyay oo is-barbardhiga in ka badan 150 qaab-siyaasadeed laga wariyay, 2,350 sano ka hor, nolosha aadmiga oo idil waa siyaasad. Maxaa yeelay waxaan danaynaa ladnaanshaheenna iyo tan kuwa ehelka iyo sokeeyaha innoo ah, oo haddii aan ku niraahno erayadii Aristootel, waxaannu nahay 'xayawaan siyaasadeed'.

Hal qeexid oo waxtar ah oo ku saabsan hawsha siyaasadda waxay tahay: "ficil-wadareed lagu gaaro go'aanno guud oo ku taxluuqa qaabka loola xiriirayo inta kale, sida ugu habboon oo loo isticmaalayo khayraadka iyo sida loo agaasimayo mustaqbalka".

Xukuumad waa erayga macneeya wadiiqooyinka lagu yagleelo go'aannada guud qaadashadooda iyo tabbagelintooda. Hase ahaatee, xukun (governance) waxaa aalaaba loo isticmaalaa in ka qayb-qaadashada go'aan-gaaridda dhaafsiisantahy rugta iyo abaabulka xukuumadeed.

Luuq siyaasadeedka kol ay ku tahay waa muhiim

Waxaa jira laba hawlood oo kala duwan laguna kala magacaabo sharci-dejin (legislative) iyo fulin (executive) oo ay xukuumadi leedahay. Hawlahooda waxay suurtogeliyaan qorshaynta iyo abuurista baraaraha bulsho. Xukuumad fulineed waa magaca la siiyo laamaha awoodda u leh ficilka meelmarinta – aalaaba waa Madaxweynaha/ama Ra'iisalwasaaraha iyo golahiisa Wasiirrada. Demoqaraatsiyadaha casriga ah awoodaha waxaa xadeeya oo kormeera gole maxkamadeed oo madaxbannaan, iyadoo la isticmaalayo dastuur qoran amaba aan qornayn.

Kormeerka iyo la xisaabtanka wahsiga ama xad-dhaafka xukuumadda, waa sababta ugu weyne sahmiyaha u diwaangeliyo doonista dadweynaha, gaar ahaan waddamada Muslimiinta ugu badanyihiine doorashooyin laga abaabulo, si loo xaqiijiyo demoqaraatsiyada iyo sarraynta sharciga. Mararka qaarkood waxaaba taa loo maraa Shareecada.

Qaybta 2: Aqoon sidee ah baa loo baahanyahay si looga qayb-qaato taliska iyo is-xukunka Somaliya?

Xirfadda isu-tanaasulka

Siyaasaddu waxayba noqonkartaa waxbarasho iyo barbarian. Kuwa ka qayb-qaadanaya waxay u bidhaaminkartaa caqabadaha la xiriira gaarista go'aanno waxtar iyo cadli ku salaysan. 2,500 oo sano ka hor waxaa baxay erayga 'idiote' (axmaq) oo lagu tilmaamayay kuwa aanan ka qayb-qaadan siyaasadda.

Siyaasadda innama barayso oo keliya 'xirfadda suurogalka', balse waxay inna baraysaa oo kale xirfadda 'isu-tanaasulka'. Dhammaan ku-xeeldheerayaasha culuumta siyaasadda waxay isku-raaceen in tanaasulka u yahay xukuumadda deemoqaraatiyada ku dhisan, xirfad lagama-maarmaan ah.

Aalaaba qof waliba ma uu helo waxa uu ku hamminaayo. Isu-tanaasulka wuxuu suurto-geliyaa go'aan gaaris iyo hore u socod, walow qofna uusan helaynin waxii uu ku hamminaayay billowgii.

Hannaan ku kala duwanaasha siyaasadda: xoogga iyo baahsanaanta ka qayb-qaadashada

Weli dadbaa u arka siyaasadda in ay tahay tartan lagu kala badiyo. Balse kuwa hoosta ka xarriiqa isu-tanaasulka waxay u arkaa in ay tahay "hab nabadeed dood-furan oo lagu gaaro go'aanno deeqa dadka ay qusayso".

Hase ahaatee, 'hoggaamiyeyaal tamar leh' ama kelitashi aragtidoodu gaabantahay, aaraa'dooduna isbeddelin, waxay dhaliyaan in badan oo qasaarta marka loo eego inta ay la ekyihiin kuwa guulaysto. Mararka qaarkeedna, hoggaamiyayaashaa ayaaba toos uga masuul ah qasaaraha dadkaas, oo waa marka ay takooraan dadka laga tira-badanyahay ama qaybo kale oo ka mid ah bulshada. Xukuumadaha Afrika, saddexdii jiil oo u dambaysayba, ka gadaale 1960dii, waxay u badnaayeen kuwo ay daaddihiyaan hoggaamiyayaal noocaas ah.

Maantase waxaa ka hana-qaadaya Afrika xukuumado ku tallaabsaday in ay dhidibka u aasaan nidaam urur-bulshadeedyo iyo habab war-celineed (feedback mechanisms). Xukuumadahaasi waxyaalaha lagu yaqaan waxaa ka mid ah: hoggaamiyayaal wax-dhegeysta, kulamo codeyn is-afgarasho, qareenno dastuur, axsaab siyaasadeed, cod-ururiyayaal lagu kalsonaankaro, kormeerayaal doorashooyin oo aamin ah, garyaqaan kormeera wasaaradaha iyo wakaaladaha dawliga ah, iyo habab u sahlaya ururrada muwaadinka in ay xukuumadda u gudbiyaan cabashooyinka ku taxluuqa arrimaha ku saabsan deegaannadooda.

Waa maxay sababta loo darsayo siyaasadda iyo qaab-siyaasadeedyada?

Sababta ugu wayn oo loo darsayo qaab-siyaasadeedyada kala duwan waa ka-baaraandegidda habka ugu wanaagsan ee loo hago xukunka. Tan kale, oo la xiriirta xukuumadaha qaarkood, waa ka baaraandegidda sida looga leexdo ku-takrifalidda awoodda xukunka. Si taa looga weecdana, waa in garasho loo yeesho sida awoodda siyaasadeed iyo tan militari u shaqeeyaan, iyo waliba qaababka loo xakameeyo.

Sida ooraahda leedahay, cidina ma-doonayso in ay ka-badbaaddo dawaco oo ay isu loogto libaax. Waddannada saboolka ah, libaaxyadu waxaa lagu matali karaa shaqsiyaadka, qabiillada qaarkood iyo inta xukunka hayso oo aan lala xisaabtamin. Waddannada dakhligoodu sarreeyo, libaaxyadu waxay ahaan karaan kooxo iyo awoodo herdamaya, oo mararka qaar bannaanka ka ah waddanka. Halista libaaxyadaa waxay ku timaaddaa u-sinnaansho-la'aanta xukunka iyo basanbaaska madaxbannaanida dhaqaale. Dhalanrogga wararka ama dhagarta xuduudaha doorasho – am sida aalaaba dhacda, ka danseegga siyaasadda – waxay intaba dan u yihiin libaaxyada. Garashada qaabka awoodda u shaqayso waxay ka caawinaysaa muwaadinka in uu u kuurgalo oo uu xakameeyo kuwaa iyaga ah.

Cilmiga wadatashiga

Kol ay ku tahay waddannada dakhligoodu sarreeyo oo horumariyay qaab-xukuumadeedyo waxku-ool ah, hoos u dhac waa u halis. Inkastoo ay ka helaan urur-daneedyo digniin iyo aaraa lagaga hor-tago muquunsiga, haddana waxaa marwaliba suuro-gal ah in koox yar awoodda isku-sookoobto oo ay u diiddo inta kale oo dhan.

Hase ahaatee, haddii araa siyaasadeed oo dhaxalgal ah iyo habab lagu gaaro himilooyinka ay dhaqangalaan oo loo duubto taabbagelintooda, kol ay ku tahay kuwa bulshada dhexdeeda lagaga buursaday waa ay sarakacayaan. Ka-qayb-qaadasho la'aanta siyaasadeed iyo xilkasnimo urursan, waxay weli keeni karaan in 'kuwa hodmay sii hodmaan, kuwa saboolayna sii saboolaan'. Balse, haddii la helo wadatashi, sinnaan canshuur-bixineed iyo 'ilaalo ilka leh' oo taabbagelisa go'aannada, ku takri-falidda awoodda waa la xadidi karayaa.

Cilmiga wadatashiga waxaa ka mid ah, sadaal-codeed, kooxo-u-kuur-galineed iyo ogeysiis dadka ugu yeerayo in loo hoggaansamo xukuumadda.

Siyaasado wanaagsan iyo ka-qayb-qaadasho baahsani waxaa lagu gaaraa dawlad-wanaag

Sal ka-abaabulka deegaaneed waxaa uu halbowle u yahay waxa loogu yeero ururrada bulshada. Waxaa la suuro-gelinkaraa nabadgalyada iyo kaabayaasha adeegga. Inkastoo, xukuumahaha dhexe ka fursad badanyihiin kuwa kale, maaddaama go'aannadooda si sahlan loo gaaro hawlyarina lagu meelmariyo, haddana waxaa jira cilmibaarisyo muujinaya in ka qayb-qaadasho baahsan lagu gaari karo siyaabo aan ahayn bartilmaameedsiga xoojinta awoodda xukuumadda, balse qorshaynta wax-qabadka – iyo tallaabooyin taakulaynaya – oo xoogga la saaro.

Ka qayb-qaadashada waxay u dhigantaa dawlad-wanaag, waxay u dhigantaa faa'ido la wadaqabo oo loo dhanyahay. Hayado badan oo caalami ahi (Bankiga Adduunka, 1997) waxay tilmaamaan in xukunka sugan u yahay lagamamaarmaan kobaca dhaqaale ee deemoqaraatsiyadaha cusub. Marka ay faaqidayaan sinnaansha dhaqaale iyo sugnaanta xukunka, waxay yiraahdaan, waxaa gudboon in la'isku hawlo siyaasadaha xukuumadda iyo afcaasheeda, halka la'isku hawli lahaa hayadaha dastuuriga ah oo awoodda maareeya.

Muhiimadda maxkamadaha, warbaahinta iyo kormeerka

Haddii annu doonayno in aan xaqiijinno waxtarka iyo manaafacaadka dawladda innagoo isla marahaantaana xaddidayno qatarteeda ama waxyeelladeeda, su'aal muhiim ah oo da'weyn waxay tahay: ayaa ilaalinaya ilaalada. Habsiyaasadeedyada waddannada saboolka ah, waxay noqonkaraan milkiyad u gaar ah qabiilka awood-sheegta, ama xataa shaqsiyaad. Waddan waliba, axsaabta siyaasadeed oo haysta taageero, haba yaraatee, waxay faragelin-karaan aragtida dadweynaha: isutagga jeebabweyntana waxay iibsan-karaan oo ay yeelan karaan saamayn, waxay is-hortaagi-karaan dib-u-habaynta, waxay samayn-karaan canshuur-labaxsi. Sida uu halkudhigga lahaaba, qiimaha xorriyadda waa ilaalin joogto ah. In siyaasiyiintu ahaadaan daacad waa hawl u taalla muwaaddin walba.

Sidee lagu ogaanayaa qaab dawladeedka ugu wanaagsan

Isgaarsiinta casriga ahi waxay ka dhigtay dunida aan ku noolnahay mid isku-xiran. Waa sahlantahay manta wax-ka-ogaanshaha dunida inteeda kale mar haddii uu waddanku haysto xiriirin dayax-gacmeed (satellite coverage). Sidaa daraaddeed, muujinta dhacdooyinka ma aha oo keli ah wax-ku-ool, balse waaba muhiim. Marna ma la-is-hortaagi karo in la ogaado in ay jiraan farqiyo aad u ballaaran xagga dhaqaalaha, hab-maaamul dawladeedyada, jiritaanka waddanno mushaarrada hooseeyaan, dhanka kale waddanno shaqaalaha caymis leeyahay.

Dabcan waan ka baaraandegi karnaa hab-maamul dawladeedyo kale oo markii aan aragno, tayada kaannaga u muuqanayso mid sarreeysa. Balse isu-barbardhigga aan sameeyno waa mid ku salaysan aaraa'deenna. Dhinaca kale, barbardhigga dabadii, waxaannu gaari karnaa gabogabo ku salaysan qawaaniin guud oo la wada ogyahay, si loo baalmaro is-faanis iyo mala'awaal midba.

Karaamada dareen-bulshadeedka – xirfadda siyaasadda waxay bartaa dul-qaad waxayna dhalisaa degganaan

Kolka siyaasadda xaggeeda laga eegayo, 'ajnabi ku ahaanshaha dalkaaga' waxaa ay leedahay sinaad (value). Ku eegista waddankaaga indho-ajnabi oo kale, waxay kugu caawinaysa qiimeynta waxyaalaha gaarka u ah iyo weliba in aad u kuur-gashid ama dhugmo u yeelatid. Waxaa kale oo laga bartaa u-dulqaadashada, mid shaqsi ahaan iyo mid karaamo-bulshadeed ahba.

Marka la falanqaynayo ama qaadaa-dhigo sababaha waddan uu ku kala dooranayo Tabaha, waxaa muuqanaya mid waliba qaabkiisa – marka loo eego xagga sinaadka aasaasiga ah (basic values), sida degganaanshaha, sugnaanta iyo habka uu u raadiyo caddaaladda mujtamaca ama (social justice).

Waddanno badan waxay qaataan amase la qabsadaan dhaqan-dawladeed waddanno kale tijaabiyeen. Xaalkan isaga ah waxaa lagu magacaaba 'ku-dhaqan kan ugu habboon' (best practice), ama dhaqanka ugu wanaagsan, sida ay ugu magacdartay Tusmada Baarlamaaniga ah ee Caalamka oo ay soo saartay hayadda Isutagga Baarlamaannada Caalamka (Inter-Parliamentary Union, IPU) oo jirta in ka badan 125 sano.

Qaab-hoggaamineedka casriga ah, sida hoggaamiyaha-adeegaha ah, waxaa uu ka soo horjeedaa oo uu qiimatirayaa qaabab-hoggaamineedyadii cilladaysanaa ee hore uga jiray dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Akhriska Dheeraadka ah (Further Reading): Qaybta 3, 4 iyo 5 waxay ka hadlayaan sida xukuumadaha loo kala saari karo, noocyada kala duwan ee dimuqraadiyadaha, iyo sida labadaba u horumareen, ama uga waayeen horumar. Waxay sidoo kale sharraxayaan sida awoodda loo helo, iyo sida loo xakameyn karo lana miisaamin karo dimuqraadiyadaha wax-ka-jawaabaya.

Qaybta 3: Waxbarashada iyadoo la sameynayo isbarbardhig
Qaybta 4: Maxay tahay dimuqraadiyad, iyo noocee?
Qaybta 5: Sida xukuumadaha qaarkood is-hagaajin karaan halka kuwa kale ay isdaafacaan

Su'aal-dhiganno (Footnotes): Aristotle (1962 edn) The Politics, trans. T Sinclair: Harmondsworth · Hague, R., Harrop, M. (2013) Comparative Government and Politics, 9th edn, Palgrave Macmillan · Hobbes, T. (1651) Leviathan · Crick, B. (2005) In Defence of Politics, 5th edn · World Bank (1997) World Development Report · Allen, R.E. (2006) Plato: The Republic, Yale University Press · Wendell Phillips, speech, 28 January 1852 · Inter-Parliamentary Union: ipu.org/dem-e/guide.htm

Ka eeg casharkan Ingiriisi →